Xaalada cudurka caabuqa ee maagalada Vantaa oo wali halis ah. Kulankoodii 10.12.2020, guddiga Isuduwaha korona ee magaalada waxay soo bandhigeen talooyin iyo xaddidaadyo cusub oo lagu xakameynayo faafidda cudurka faafa ee korona. Xaddidooyinka oo soconaya ilaa 10.01.2021. xaddidooyinka la soo jeediyay, waxaana la filayaa inay amaradani xadiddaan faafitaanka cudurka ee aaga maagala madaxa. Haddii faafitanku cudurku yaraan waayo, xaddidaadaha iyo talooyinka way sii socnayaan.

Hiwaayadaha
Dhamaan hiwaayadaha gudaha waa la hakin doonaa. Intaa waxaa dheer in la hakiyo macal, dhammaan hiwaadaha ka dhacaya banaanka oo loogu talagalay dadka ka weyn 20 sano. Dhalinyarada ka yar 20 jir iyaga hiwaayaha ku baxaya goobaha baananka way u sii soconayaan. Ciyaaro iyo tartamo lama qabanayo muddadaas. Ganacsiga gaarka lo leeyahay waxaa loo jeedinaya iney go’aamadan ku dhaqmaan,

Abaabulka dhacdooyinka dadweynaha/bulshada
Dhacdooyinka dadweynaha ee ka badan 10 qof ayaa laga mamnuucay aagagga magaala madaxada. 10 qof dhacdooyinka gaaraya waxaa la oglayhay un haddii lagu dhaqmayo amarada iyo taloyinka wasaarada dhaqanaka iyo waxbarashada iyo sidoo kale haydada caafimadka taloyinkaay soo jeedisay 21.9.2020

Abaabulka munaasabadaha gaarka loo leeyahay
Guddigu wuxuu si aad kugu la talinayaa dadwaynaha in la joojiyo kulamada khaaska ah ama isu imaatinka qoyskaka waxaa lagu talinaya in la joojiyo.

Goobaha dadweynaha
Goobaha dadweynaha ee magaalooyinka, sida xarumaha dhalinyarada iyo matxafyada, iyo sidoo kale Beerta Xayawaanka ee Korkeasaari ayaa la xiri doonaa. Maktabadaha waxay u furan yihiin adeegyo kooban. Guddiga isuduwidda koronaha ayaa sidoo kale ku talineysa ing goobaha gaarka loo leeyahay in ay xiraan goobaha isboortiga iyo ciyaaraha.
Wax furan un goobaha caafimadak iyo sooshalka ee aan laga maarmin iyo xanaada iyo isguulka hoose iyo ka dhexe.

Waxbarashada dugsiga sare
Waxbarashasa dugisiga sare waxay ku sii soconayaan barashada fogaanta.(etäopetus). Iskuulka waxaa iman kara un ardeeyda baahida gaarka leh ama ardeyda cawitaanka gaarka u baahan ee go’aamada haysta.

Isticmaalka Wajixiraha
Qofkaste oo ka weyn 15 jir waxaa laga codsanayaa in uu isticmaalo wajixiraha markuu ku isticmaalo gaadidka dadweynaha iyo markuu joogo goobaha dadweynuhu isgu yimadaaan.

Haddii aad cawitaan u baahantahay ku saabsan koronaga, waxaad la xiriiri kartaaa tilifoonka hagidda ama cahtka. Tilifoonku wuxuu shaqenaaya maalmaha shaqada saacadaha.8-15:30. Chatka waxaad ka heli kartaa vantaa.fi pagega hore maalmaha shaqada saacadah 9-15.

https://www.vantaa.fi/uutisia/kaikki_uutiset/101/0/154690